About
SomRich!
SomRich waa shirkad maalgashi oo diiradda saarta kobcinta
ganacsiyada yaryar iyo horumar dhaqaale waara.
get a quote
About
SomRich!
SomRich waa shirkad maalgashi oo diiradda saarta kobcinta
ganacsiyada yaryar iyo horumar dhaqaale waara.
learn more

Nagu saabsan

Shirkada SomRich waa shirkad maalgelin iyo horumarin maalgashi, oo diiradda saarta maalgalinta mashaariicda, Shirkada SomRich waxaa loo aasaasay una taagan tahay in ay siiso macaamiisheeda fursado maalgashi oo kobcinaya hantidooda, kor uqaadaya kalsoonidooda, Waxaana aaminsannahay in maalgashi xikmad iyo hufnaan ku dhisan uu keeni karo guul la taaban karo, isla markaana qof kasta uu ka qeyb qaadan karo hormarinta hantidiisa, isaga oo umaraya sanduuqa maalgashiga ee shirkada. SomRich Waxaa la aasaasay 22-kii Janaayo, 2026, xarunteeda dhaxe waxay ku Taalaa magaalada muqdisho – Degmada Hodan, waxayna xarumo kuwada yeelan kartaa gobalada dalka iyo dibada, waxaana dhidibad

0

staff on three continents

0

consulting engagements

0

learning community members

Khaab Dhismeedka Maamulka Shirkada

Maamulka SomRich wuxuu ka kooban yahay Shan xubnood oo khubaro ah, kuwaas oo leh aqoon sare iyo waayo aragnimo ballaaran oo dhinacyada Shareecada, Maamulka, Dhaqaalaha, Suuqgeynta iyo Xiriirka Bulshada ah.

Guddoomiyaha Shirkadda

Dr. Hassan Osman Ahmed

 Aqoonyahan PhD ah, ku takhasusay Shareecada Islaamka, isla markaana ah ganacsade rug-caddaa ah. Wuxuu hubiyaa in howlaha SomRich ay ku socdaan waddo sharci ah iyo aragti ganacsi oo casri ah

Maamulaha Shirkadda

Mr. Abdirahman Barre Aadan

  Hoggaanka fulinta ee shirkadda, kana haysta shahaadada Master’s Degree Shareecada. Wuxuu isku darsaday maamul xirfadeed iyo mabaadi’da maalgashi oo Islaami ah.

Xoghayaha Maaliyadda

Mr. Abdullahi Dahir Mohamed

 Khabiir maaliyadeed ahna Double Master (Maamulka & Dhaqaalaha), kana shaqeeya dejinta istaraatiijiyad maaliyadeed oo hufan, badbaado leh, kana tarjumaysa kobac joogto ah

Xoghayaha Xiriirka Bulshada

Mr. Abdullahi Ahmed Adan

 Aqoonyahan iyo tababare caalami ah, masuul ka ah xiriirrada istiraatiijiga ah ee gudaha iyo dibadda, kana shaqeeya dhismaha sumcad iyo iskaashi waara.

Xoghayaha Suuqgeynta

Mr. Mustaf Hassan Salad

 Khabiir leh halabuurnimo iyo suuqgeyn, kana Howl gala hagida xayeysiinta iyo kobcinta astaanta Shirkada si loo kasbado kalsoonida macaamiisha.

Himilada Shirkadda

 

Bulsho hodan ah; Maal iyo Maskax: Waxaan u taagannahay kobcinta hantida macaamiisheena iyo kor u qaadista garaadka dhaqaale ee bulshada.

 

Aragtida Shirkadda

 

Inaan noqono shirkad lagu kalsoon yahay oo hormuud u ah maalgelinta iyo
maareynta hantida, annagoo abuureyna koboc dhaqaale oo waara iyo horumar
bulsho.

Looking for a First-Class Business Plan Consultant?